Waxaa maanta si rasmiya ugu furmay xarunta Gobolka Karkaar ee magaalada Qardho tababarka shaqaalaha goobaha is-diiwaangalinta codbixiyaha ee degmada qardho, oo lagu tababari doono qalabka isdiiwangalinta oo ah qalaba casriya oo u shaqayn doona habka (Biometric system).
Tababarka oo socondoona laba maalmood waxa ka qayb qaadanaya 93 xubnoon oo ka shaqayn doona 25 goobaha is-diiwaangalink ee magaaladda iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada qardho.
Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid Cusmaan oo ka hadalay furitaankii ayaa uga mahad-celiyay Guddiga KMG doorashooyinka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen shaqada ay u hayaan shacabka iyo dawladda Puntland.
Ugu danbayn Cabdillaahi Faarax Mire oo ka mida xubnaha sare ee Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay xil gaara iska saaraan tababarkan,maadaama marka tababarkan uu dhamaado ay la wareegi doonaa masuuliyad culus oo ay tahay inay u gutaan si waafaqsan sharciga iyo xeerarka u degsan doorashooyinka Puntland.

























Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA