Roobab ma hiigaan ah oo ka da’ayay guud ahaan deegaanada Puntland, gaar ahaan goboladda Bari iyo Karkaar labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa hakiyay isu-socodka gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, ka dib markii ay waxyeelo soo gaartay buundooyin ku yaala deegaanka Qayaadsame.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka karkaar, ayaa markiiba ka hawl-gallay, waxaana ciidamada amaanka ay joojiyeen xiliyadda habeenkii ah socodka baabuurta si loo ilaaliyo bad-qabka muwaadiniinta iyo hantidooda.
Wasiirka hawl-laha guud ee dawlada puntland, Axmed Bashiir Muuse, wasiirka tamarta, macadanta iyo biyaha Axmed Taaraan, wasiir ku xigeenka maaliyadda Cumar Fiqi, gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, taliyaha qaybta booliska Gobolka karkaar, G/sare Faarax Nuur Maxamed, taliyaha ciidanka madaxtooyada gobolka karkaar Cabdifataax Warsame Hiirad, xisaabiyaha wasaarada maaliyada gobolka karkaar Yasiin Cabdi Boos, duqa degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, duqa degmada waaciye, Isxaaq Axmed Xasan, iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku taggay buundooyinka ay roobabku wax gaarsiiyeen.
Waxay sidoo kale ka hawl-galeen sidii daraasad loogu samayn lahaa, waxyeelada buundooyinka soo gaartay, iyo sidiii loo abuuri lahaa wadooyin cusub oo gaadiidku adeegsadaan inta dib u habaynta lagu samaynayo buundooyinka waxyeeladu soo gaareen, si dadka shacabka ah loogu fudaydiyo in ay safarkooda sii wataan.
Taliyaha qaybta gobolka karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed, gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, Axmed Bashiir Muuse ayaa dhankoda fariin u diray gaadiidayadda wadadaan isticmaala, iyagga oo faray in si tartiib ah loo maro wadooyinka xiligga roobka.































Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA