Xubnaha Sare ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta tababar kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo xiray Xarunta PDRC.
Tababarkan oo soo bilowday 25 April 2021 ayaa Xubnaha Guddiga lagu siiyay casharo ku saabsan habka diiwaangalinta loo samaynayo sidoo kale waxa lagu tababaray qaabka uu u shaqaynayo qalabka casriga ah ee diiwaangalinta codbixiyaha(Biometric Voter Registration System).
Xiritaanka tababarka oo ay kasoo qaybgaleen Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Qaran iyo saraakiil ka socotay Hay’ada Diakonia,ayaa ugu danbeyn waxaa soo xiray Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax,waxa uuna uga mahadceliyay xubnaha Guddiga say uga faa’iidaysteen tababarkan,sidoo kale waxa uu PUNSAA iyo Diakonia uga mahadceliyay aqoon kororsiga ay u sameeyeen xubnaha Sare ee Guddiga iyo hawlwadeenada TPEC oo horay loo siiyay tababarkan oo kale.



















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA