April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

CIIDAMADA PMPF OO HOWLGALO KA FULIYAY BUURAHA CALMADOOW IYO DEGAANO KALE

Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF ayaa hawlgal ka fuliyay deegaanka Xiji Eynaad oo ka tirsan Buuraha Calmadow, Ujeedada hawlgalka ayaa ahayd Xaqiijinta Amniga yo Sahaminta xogaha argagixisada kuwaas oo inta badan ku dhuumalaysta buuralaydaasi.

Sidoo kale ciidanku waxa ay ka hawlgaleen deegaanada Dhadhabo, Dhagcaan, Beeraha Shibis iyo Bacaadweyne, waxa ayna xagiijiyeen ciidanku in ay degsiimooyinkaasi ku Maashoonayeen Amni iyo deganaansho, Ciidamada PMPF ayaa sii wadi doona waajibaadkooda shaqo ee ka dhanka ah argagixisada, burcadbadeedda, Jiriifka, Mukhaadaraadka lyo wixii lamida.