April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TACSI: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, oo ku hadlaya magaciisa, kan Golaha Wakiillada DPL, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibril Cawl oo Eedadii Marxuumad Maryan Jibril Cawl ku geeriyootay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa marxuumadda Eebbe uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskeeda, eheladii iyo dhammaan dadkii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin