April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADA ARIMAHA GUDAHA DPL OO DEEQ RAASHIN AH GAARSIISAY QAXOOTIGA YEMEN EE KU NOOL MAGAALADA QARDHO

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Iskaashigga Islaamka ayaa deeq raashin ah oo ka timi Dalka Sacuudigga gaarsiisay 100 qoys oo ka mid ah qaxootigga yamaniyiinta ah ee ku nool Magaaladda Qardho.

Raashinkaan ayaa loogu talla-gallay in ay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana qaybinteedda goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Maaraynta Masiibooyinka ee Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Buulle, Duqa Degmadda Qardho Cabdi Saciid Cismaan iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Iskaashigga Islaamka.

Deeqdaan Gargaarka ah ayaa sidoo kale la gaarsiiyey Qaarka mid ah Degmooyinka Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar.