Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar oo la wareegay kooxdii ku guuleystay tartankii kubada cagta ee Gen Khaliif Ciise Mudan ee ka socday Magaalada Qardho bishii ramadaan.
Munaasabadaan ayaa ahayd mid abaal-marino iyo hadiyado lagu gudoonsinaayay kooxda kubada cagte Elman oo ku guuleysatay tartan bishii barakaysnayd ee ramadaan ka socday garoonka CK ee magaalada Qardho kaas oo loogu magac-daray Alle ha u naxariistee Gen Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ahaa Aasaasayaashi Puntland.
Xiritaanka koobkaan waxaa goobjoog ka ahaa maamulka gobolka karkaar, taliska qaybta gobolka karkaar, gudoonka ciyaaraha gobolka karkaar, ciyaartoydii iyo kooxihii ka qayb-gallay koobka, guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Qardho iyo marti kale.
Cabdiqani Maxamed Cartan Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Karkaar ayaa hadlay ugu horay waxa uuna tilmaamey in koobkaan uu si wanaagsan kusoo idlaatay, cidkasta oo ka qayb-qaadatay ayuu u mahad-celiyay.
Masuuliyiinta dawlada ayaa u mahad-celiyay dhamaan kooxihii ka qayb-qaatay iyagga oo ku amaanay ciyaar wanaagii ay muujiyeen mudadii uu socday.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ciyaaraha ayaa lagu amaanay shaqada xooga leh ee uu waddo, xoojinta is-dhexgalka dhalinyarada iyo wada-jirkooda.
Gabagabadii Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed ayaa ku dhawaaqay in kooxdaan hadda ka dib ay ku ciyaari doonaan magaca ciidamada booliska gobolka karkaar, waxa uu ka waramay wada-shaqaynta dhaw ee ay la leeliyihiin dhalinyarada magaalada.























Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA