April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA WAXBARASHADA DPL OO KORMEERAY MAALINTII 2AAD GOOBAHA LAGU GALAYO IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE CAASIMADA GAROWE

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, iyo Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Maxamuud Siciid Caysane, ayaa maalintii labaad magaalada Garowe kormeer ku maray xarumaha imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee dugsi dhexe, isaga oo kormeer ku tagay qayb kamid ah xarumaha uu ka socdo imtixaanka dugsiyada sare ee Garoowe.

Mas’uuliyiinta kormeerka ku tagay ayaa la kulmay kormeerayaasha xarumaha imtixaanaadka iyo maamulayaasha dugsiyada martigeliyey imtixaanaadka.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay in ay ardaydu ku dadaaalaan sidii ay ula tartami lahaayeen dhiggooda dugsiyada kale iyo caalamkaba. Waxa kale oo uu u sheegay ardayda in ay dhammaan soo xirtaan af-daboolka (face mask).

Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxaa ka go’an in waxqabadyadiisa uu la xidhiidhiyo tiknolojiyadda, oo ah meel uu caalamku ku tartamayo.

“Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa.”