April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIR KU XIGEENKA CAAFIMAADKA DPL OO GAALKACYO KUSOO DHAWEEYAY WAFTI UU HOGAAMINAYAY WASIIRKA CAAFIMAADKA DFS

Gaalkacayo- Wasiirkuxigeenka Caafimaadka Dowladda Puntland oo maanta Galkacyo kusoo dhaweeyay wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka Caafimaadka Dawlada F.S.

Wasiirkuxigeenka wasaaraddda caafimadka Puntland Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji ayaa maanta ku soo dhaweeyay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug wafti balaaran oo uu hogaaminayay wasiirkuxigeenk wasaaradda caafimaadka dawlada federaalka soomaliya Ahmed Huseen macalin Guray oo uu wehelinayay wasiirka caafimaadka Abdiwali Abdulaahi Jamaiyo agaasimaha caafimaadka Galmudug.

Wafti ayaa kormeeray cisbitaalka magaalada Galkacyo iyo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka gobolka Mudug, waxaana ay aad ugu amaaneen shaqada socota iyo horumarka dhanka caafimaadka ah ee ay gaareen Puntland.

Wasiir Abdinaasir ayaa warbixin ka siiyay sida ay ushaqeeyaan iyo horumarada wasaaraddu gaartay iyo qorshayaasha la wado insha allah, saamaynta uu ku yeeshay horumarkii iyo shaqadii dhanka caafimaadka xanuunka Covid19.

Waftiga ayaa intaas kadib usoo gudbay magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay kulamo la qataan masuuliyiinta wasaaradda kaas oo la iskaga xog waraysano xalaadda caafimaad ee Puntland laguna kala qaadanayo khibradaha la is dheeryahay.