April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL OO DAAH FURAY KALA FADHIGA 17AAD EE GOLAHA DEEGAANKA BURTINLE

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa maanta Daahfuray Kalfadhiga 17-aad ee Golaha deegaanka Degmada Burtinle.

Furitaanka Kalfadhiga 17-aad ee Golaha deegaanka Degmada Burtinle Waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, Maamulka Gobalka Nuugaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada DPL, Agaasimaha Waaxda Dib uhishiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Nabaddoono, Haweenka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Degmada Burtinle.