April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

XARUNTA DHEXE EE GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA DPL EE GAROWE OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGAY HABRAACYO KU SAABSAN DOORASHADA

Xarunta dhexe ee Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee Garowe waxaa maanta lagu soo bandhiga laba Habraac oo ku saabsan:
(1)Qaabka xilgudasho ee kor-joogtada doorashada iyo (2)Xaqiijinta si siman oo Lab iyo Dhaddig ay uga qaybgalaan doorashada.

Xubnaha Guddiga sare,agaasimayaasha iyo madaxda qaybaha TPEC ayaa labada Habraac waxay ka dhagaysteen Siciid Diraac iyo Axmed Shire oo soo diyaariyay habraacyada muhiimka u ah sidii loogu guulaysan lahaa doorashada iyo hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland sida ku xusan dastuurka dowlada Puntland ee Somalia.

Ugu danbeyn Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax oo soo gabagabeeyay kulankan ayaa umahadceliyay khuburadii Habraacyada soo diyaariyay waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in ficil loo rogo si TPEC ugu guulaysato doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowladaha hoose ee Puntland.