April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

XUBNAHA SARE EE GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA DPL OO MAANTA TABABAR USO XIRAY SHAQAALAHA XARUNTA DHEXE IYO KUWA DEGMOOYINKA

Xubnaha sare ee Guddiga KMG doorashooyinka Dowladda Puntland oo maanta usoo xiray tababar aqoon kororsi ah shaqaalaha Guddiga ee xarunta dhexe iyo degmooyinka Eyl,Ufeyn iyo gobolka Karkaar ee TPEC ayaa warbixino ku saabsan hawlaha u qabsoomay ka dhagaystay qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha heer degmo iyo gobol,Agaasimayaasha iyo Madax Qaybeedyada Guddiga.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale soo bandhigay waxa ay ka faa’iideen tababarka 4-ta beri u socday iyaga oo isku xiraaya aqoon kororsiga ee qaateen iyo baaxada shaqooyinka badan ee uyaala.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax ayaa shaqaalaha TPEC uga mahadceliyay warbixinada ay soo jeediyeen waxaa uuna ku booriyay in ay shaqo walba warbixinteeda oo dhamaystiran lagula xisaabtami doono hawlwadeenada.

Aqoon kororsigan waxa Guddiga waxa ka caawinayay dalladda PUNSAA oo taageero ka helaysa Hay’ada Diakonia.