April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDOOMIYE KU-XIGEENKA TPEC OO AGAB CAAFIMAAD KU WAREEJIYAY GUDDIYADA DOORASHOOYINKA HEER DEGMO

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Jaamac Xirsi Faarax ayaa agab caafimaad oo loogu talogalay badqabka shaqaalaha iyo dadwaynaha xilliga diiwaangelinta codbixiyayaasha u anbabixiyay degmada Qardho. Agabakaan oo maanta Guddigu ka gudoomay Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sidoo kale la gaarsiindoona degmooyinka Eyl iyo Ufayn oo ka mid ah Saddexda degmo ee diiwaangalintu ka bilaamayso.