Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay la socod siinaysaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Reer Puntland in daah furka barnaamijka diwaangelinta codbixiyaasha doorashada Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn uu ka bilaabanayo Magaalada Qardho.
Dowladda Puntland waxay sadexdaan degmo ka hirgelinaysaa doorasho horudhac ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ugu baaqaysaa dadweynaha Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn in ay u diyaar garoobaan, isna diwaangeliyaan si ay codkooda u dhiibtaan, una doortaan matalayaashooda golayaasha Degmooyinka, ayagoo u kala codeynaya Ururada siyaasadeed.


Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA