April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KU-SIMAHA GUDDOOMIYAHA AHNA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE GOLAHA WAKIILLADDA DPL OO SI RASMI AH U FURAY AQOON KORORSI KU SAABSAN BARASHADA IYO FAHANKA BAARLAMAANKA

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Avv: Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan ayaa si rasmi ah u furay Aqoon kororsi ah ku saabsan Barashada iyo fahanka Baarlamaanka, kaas oo ay ka qeyb-galeen arday ka socta Jaamacadda Puntland State University ( PSU).

Ujeeddada guud ee tababarka ayaa looga gol-leeyahay xoojinta iyo fahanka nidaamka dawladnimada, dawlad wanaagga iyo shaqada Baarlamaanka, waxaana furitaanka Tababarkaan oo ka dhacay xaruna Golaha Wakiillada ka qeyb-galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha.

Ardaydan oo barata Maamulka Dawliga ah ayaa muddo labo cisho ah qaadan doona casharo la xiriira Baarlamaanka Puntland iyo sida uu u shaqeeyo.