April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADDA MAALIYADDA DPL OO DADAAL DHEERI AH GALISAY TAYEYNTA IYO KOR U QAADISTA ADEEGGA CASHUUR BIXIYAHA,HORUMARINTA GOOBAHA SHAQADA

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku dadaashay tayeynta iyo kor u qaadista adeegga cashuur bixiyaha,horumarinta goobta shaqada iyo nidaamka shaqaalaha.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday furdooyinka iyo cashuuraha Berriga Puntland dardargelinta iyo tayeynta aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Puntland.

Shaqaalaha Furdada Boosaaso ayaa kor loo qaaday tayada aqoontooda 2020 ilaa 2021, iyadoo lagu tababaray ka hortaga iyo maaraynta khataraha ( risk management ), xallinta cabashooyinka cashuur bixiyaha ( taxpayer dispute resolution) sidoo kale waxaa loo sameeyay Astaan u gaar ah oo lugu aqoon sado inta lugu jiro saacadaha shaqada.

Dadaalkan socda ayaa ah mid saldhig u ah ballanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdullaahi Deni ee tayaynta dawladdnimada.

Ganacasatada Puntland ayaa Soo dhaweeyay in Shaqaalaha loo sameeyo dhar lugu aqoon sado si ay u kala gartaan shaqaalaha iyo kuwa aan ahayn ee ka hawl gala furdadda.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa boggaadiyay ganacsatada ku xiran furdada sida ay mar walba ugu diyaarsan yihiin bixinta cashuuraha iyo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.