Taliyaha ciidamadda booliska dowladda Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa shalay iyo maanta kullamo ku saabsan hawlaha tayeynta iyo horumarinta booliska kula yeeshay xarunta dhexe ee GAROWE saraakiisha sarsare ee taliska booliska kuwaas oo uu ka dhageystay warbixino xog waran ah iyo dardargalinta hawlaha tayeynta iyo horumarinta booliska si ay u fududaato mar kasta iyo goob kasta in laga helo adeegyadda dowliga ee boolisku u hayo dalka iyo dadka.Sidoo kale Gen Cabdi yare ayaa kullamo la qaatay saraakiisha laamaha amniga Gobolka Nugaal kuwaas oo uu la wadaagay xogwareysi ku qotoma hawlaha shaqada. Ugu dambeyntii Taliye Cabdi yare wuxuu ku booriyay dhammaan ciidamadda iyo saraakiisha amniga gudaha dalka geed dheer iyo mid gaaban inay u fuulaan dardargalinta hawlaha shaqooyinka islamarkaana uu la garab taagan yahay talo,tuusaale iyo taageerada ay uga baahdaan taliska guud iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.
TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA DPL OO SHIR GUDOOMIYAY KULAMO LOOGA ARINSANAYAY HOWLAHA TAYEYNTA IYO HORUMARINTA BOOLISKA








Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA