August 26, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA WASAARADDA HOWLAHA GUUD , GAADIIDKA IYO GURYEYNTA DPL OO SI RASMI AH U DAAH FURAY DARAASADA MASHRUUCA DHISMAHA WADADA GAROWE – GAALKACYO

Gaalkacyo, June 06, 2021: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dawladda Puntland Mudane. Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) ayaa si rasmi ah Daah-furay Daraasada Mashruuca Dhismaha Waddada Waddada Garowe Gaalkacyo.

Mashruuca Diyaarinta Daraasadda, Naqshadda dhismo iyo Dukumentiga Qandaraas bixinta ( 85KM) Waddada Garowe Gaalkacyo ayaa ah qorshe dib u dhis loogu sameeynayo waddooyinka dalka.

Wasiirka ayaa waxaa kala qeyb-galay Madax ka soctay DFS, Maamulka Gobolka Mudug kan degmadda Gaalkacyo, Engineero, Shirkadda Daraasaddka sameynaysa, iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan ayaa muhiim u ah guud ahaan dalka gaar ahaan waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo illa Garoowe.