Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha Dowladda Puntland mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ku soo gaarey kormeer shaqo oo isugu jira; u kuur galka xaaladda dhabta ah, qiimayn & sidii loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah dadka iyo gaadiidka ku xaniban Buundada Qayaadsame oo waxyeelo weyn ka soo gaartey roobabkii gu’ga oo deegaanada Puntland ka curtay.
Kormeerka shaqo waxaa wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo Gaadiidka DPL Axmed Bashiir Muuse, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda DPL Cumar Fiqi, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar Gaashaanle Sare Faarax Nuur Maxamed, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, Duqa degmada waaciye Isxaaq Axmed Xasan, iyo Injineero.









Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA